{"title":"Maxamed Baashe X Xasan","description":"\u003cp\u003eDelve into the works of Maxamed Baashe X Xasan, a unique voice in Somali literature. Explore themes of culture, identity, and society through his compelling storytelling and insightful prose.\u003c\/p\u003e","products":[{"product_id":"hal-tisqaaday-halabuurkii-cali-sugulle-duncarbeed-book-maxamed-baashe-x-xasan-9780995753396","title":"Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed)","description":"\u003cp\u003eBuuggu waxa uu ka kooban yahay halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo. Marka laga yimaaddo barbaaritaankiisii, waxbarashadiisii, noloshiisii qoysnimo, iyo shaqooyinkii uu soo qabtay markii uu dugsiga Sheekh ka baxay, waxaa qaybaha hore ee buugga ibafurkiisu xambaaray tisqaadkii halabuurka Cali Sugulle iyo jaadgoonnimadiisa; isaga qof ahaan iyo halabuurkiisa iyo baadisoocda u gaarka ah oo ay ka xogwarramayaan dad kala duwan oo Cali iyo halabuurkiisa aqoon durugsan u wada lahaa ama halabuurkiisa uun ku koobnaa oo halkaa Cali ka bartay. \u003c\/p\u003e\u003cp\u003e\u003cbr\u003e\u003c\/p\u003e\u003cp\u003eKa dib, waxaa raacaya halabuurkii afar xilli oo dhacdooyin waaweyn iyo isdiiddooyin kakani ka ilmo-rogteen dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika: xilligii gobannimo-doonka, xilligii xukuumadihii rayadka ahaa, xilligii Tawradda, iyo xilligii burburka. \u003c\/p\u003e\u003cp\u003e\u003cbr\u003e\u003c\/p\u003e\u003cp\u003eWaxaa gaar ah oo buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey, iyada oo riwaayad kasta marka ay ugu yaraato la helay ujeeddadii uu Cali samaynteeda ka lahaa iyo dhawr dheeg oo ka mid ah, marka laga reebo labada riwaayadood ee \u003cem\u003eIndhasarcaad\u003c\/em\u003e iyo \u003cem\u003eKala Haab Kala Haad\u003c\/em\u003e oo buuggu xambaaray iyaga oo sheekooyinkoodii dhammaystiran yihiin. \u003c\/p\u003e\u003cp\u003e\u003cbr\u003e\u003c\/p\u003e\u003cp\u003eCali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug oo xaglo kala duwan laga eegi karo. Buuggan \u003cem\u003eHal Tisqaaday\u003c\/em\u003e waxa uu laangooyo u yahay buugaagtaas Cali Sugulle laga qori karo. \u003c\/p\u003e\u003cp\u003e\u003cbr\u003e\u003c\/p\u003e\u003cp\u003e\u003cbr\u003e\u003c\/p\u003e","brand":"WoB","offers":[{"title":"GB \/ VERY_GOOD \/ INTERNAL","offer_id":49568029933841,"sku":"GOR013057239","price":0.0,"currency_code":"GBP","in_stock":false},{"title":"US \/ NEW \/ INGRAM","offer_id":52741308678417,"sku":"NIN9780995753396","price":0.0,"currency_code":"GBP","in_stock":true}],"thumbnail_url":"\/\/cdn.shopify.com\/s\/files\/1\/0784\/4072\/6801\/files\/0995753393.jpg?v=1750821125"},{"product_id":"afka-hooyo-waa-hodan-book-maxamed-baashe-x-xasan-9780995753365","title":"Afka Hooyo Waa Hodan","description":null,"brand":"WoB","offers":[{"title":"- \/ - \/ -","offer_id":51011418751249,"sku":"","price":0.0,"currency_code":"GBP","in_stock":true},{"title":"US \/ NEW \/ INGRAM","offer_id":51011422322961,"sku":"NIN9780995753365","price":0.0,"currency_code":"GBP","in_stock":true}],"thumbnail_url":"\/\/cdn.shopify.com\/s\/files\/1\/0784\/4072\/6801\/files\/0995753369.jpg?v=1750852800"}],"url":"https:\/\/www.worldofbooks.com\/collections\/author-books-by-maxamed-baashe-x-xasan.oembed","provider":"World of Books ","version":"1.0","type":"link"}